Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland ayaa Shir Guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ah ee Shaqada Wasaaradda.
GAROOWE 28 agoosto 2024-: Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Dowladda Puntland Mudane Maxamuud caydiid dirir ayaa shir guddoomiyey kulanka Todobaadlaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda warfaafinta.
Shirkan waxaa ka soo qayb galay, agaasimaha guud, waaxda shaqada iyo tababarka , waaxda qorshaynta,waaxda dhaqanka,waaxda warfaafinta waaxda boostada waaxda dalxiiska, waaxda maamulka iyo maaliyada,
Shirkan oo ah mid Todobaadle ah ayaa lagu saxaa shaqada laguna soo badhigaa horumarinta shaqooyinka taagan iyo dibu eegista qorshaha wasaaradda shanta sano ee soo socota.
Todobaadkan waxaa Shirka looga hadlay
1) Sameynta xarun dhexe oo xogta Dawladda lagu keydiyo (Data Center).
2) Isku-xirka Laamaha Warbaahinta ee Dawladda.
3) Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsinta
4) Horumarinta Dalxiiska iyo Goobaha Dalxiiska
5) Horumarinta Dhaqanka, Farshaxanka iyo Sugaanta.
6) Ururinta iyo u qareemidda Dhaxal Dhaqameedka Puntland.
7) Wacyigelinta Bulshada iyo kor u qaadidda fahamka Dowladnimo ee Bulshada.
8)Hirgelinta Qorshaha isku-xirka hay' adaha
Dowladda (E-Government).
9) Kor-u-gaadidda Xiriirka Warbaahinta iyo Dowladda.
10) U qareemidda iyo horumarinta bahda dhaqanka, farshaxanka yo suugaanta.
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland
