Garoowe 14-12-2019 waxaa maanta oo sabti ah kulan ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda.
shirkan ayaa ajandihiisu ahaa isxogwaraysi ku aadan wixii Wasaaradda u qabsoomay 2019, wixii qabsoomi waayey iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen.a
sidoo kale waxaa laga wada hadlay jihaynta qorshayaasha Wasaaradda sanadka soo socda 2020.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda MD Cali Xasan Axmed Sabarey, Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda, Lataliyaasha dhinacyada sharciyada iyo Guud ahaan Shaqaalaha kale ee Wasaarradda.
ugu danbayn Wasiirka Wasaaradda ayaa Agaasimayaasha kula dar-daarmay inay ku dadaalaan sidii ay shaqadooda si hufan ugu gudan lahaayeen.