logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



Tababar loo soo xiray Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland ee Xorgoble.

Qardho: 02 April 2020: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland oo muddo 6 Bilood ah tababar uga socday xerada Tababarada Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland ee Xorgoble.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray oo loogu magac daray (Galayr) soo bandhigeen, wuxuuna sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay Dawladdu sanadka hadda dhammaaday.

Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *