
Kalunka oo ku saabsanaa ujeedooyin dhowr ah ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii laysaga kaashan lahaa hawlaha Hay’adda UNDP ka wado Puntland iyo shaqooyinka Wasaaradda ka socda.
Shirka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda MD Cali Xasan Axmed Sabarey, Wasiir/X-Wasaaradda MD Cabdisalam Saciid Faarax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda MD Ibraahim Cumar Aadem, Lataliyaasha dhinaca Isgaarsiinta Wasaaradda iyo Madaxa Mashaariicda UNDP ee Puntland MD Muuse Ducaale.
Kulanka ayaa Wasaaraddu ku soo bandhigtay Baahiyaha iyo Hawlaha ay hadda gacanta ku hayso, sida inay Wasaaraddu ku guda jirto hirgalinta Xarun dhalinyarada Xirfadda ICT-ga leh, Hirgalinta Adeega Astaanta Internet-ka Puntland ee .PL.SO in guud ahaan laga hirgaliyo Xarumaha Dawladda Puntland, hirgalinta Puntland Egoverment System iyo mashriic kaloo Wasaaraddu ku hawlantahay hirgalintooda.
Ugu danbayn masuuliyiinta Wasaaradda iyo Madaxa Hay’adda ayaa isla afgartay ka wada shaqaynta arimo dhowr ah oo muhiim u ah Wasaaradda iyo Guud ahaan Puntland.
