logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



Qudbadda madaxwaynaha DPL MD Siciid Cabdullahi Deni
Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Guddoomiyaha Baarlamaanka Xubnaha Golaha Xukumadda Guddoomiye Kuxigeenada Baarlamanka Xubnaha Golaha Baarlmaanka Xubnaha Golayaasha kale ee Dawladda Siyaasiyiinta iyo waxgaradka, Isimadda, cuqaasha iyo culimada Haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha bulshada rayidka ah Mudanayaal iyo Murwooyin   Waxaan idin ku salaamayaa salaanta islaamka Assalamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh. Manta oo kale sanadkii hore, Waxaa aniga iyo Madaxweyne ku xigeenka naloo dortay in aan hogaamino dalka iyo dadka Puntland, Waxaana soo dhisnay xukuumad, aan ku xulanay in ay kasoo bixi karaan shaqadooda. Insha allah Khudbadayda ka dib waxaa caawa fursad u heli doontaan in aad waydiisaan su’aalo la xiriirta shaqada ay shacabka u hayaan Wasiiradda.   Mudanayaal iyo Murwooyin   Bilowgiiba xukuumadda cusub waxay dajisatay barnaamij siyaasadeed oo waafaqsan xaaladda dhaqan dhaqaale, iyo tan amni ee ka jirta Puntland taasoo gundhig looga dhigay 8dii yool iyo 66dii hawl shaqeed ee xukuumadda lagu doortay, ayadoo lagu falanqeeyey Shirkii Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda ee bishii Maarso 2019, Shirkaas waxaa lagu diyaariyey qorshe sanadeed leh halbeegyo iyo ujeedooyin cayiman. Mudadii Sanadka ahayd ee Xukuumadu jirtay wax badan ayaa noo qabsoomay, oo ay kamid yihiin Sugidda Amniga, horumarinta dhaqaalaha, dib u habaynta maamulka iyo maaraynta Maaliyada, tayaynta shaqalaha iyo Ciidanka, dhiirigalinta maalgashiga, horumarinta kaabayaasha iyo adeegyada bulshada.   Waxaana caawa halkaan idin kula wadaagayaa wax qabadkii xukuumadda oo kooban:   Sugidda Amniga
  • Muddadii yarayd ee xukuumaddu jirtay waxay ahmiyad weyn siisay dib u dhiska ciidanka kasoo muhiim u ah sugidda amni la isku halayn karo, Waxaa la bilaabay dib u habaynta ciidamada daraawiishta, booliiska iyo nabad-sugiida ayadoo la dhisay goleyaal iyo guddiyo khibrad u leh arrimaha ciidanka. Si kor loogu qaado tayada howl fulineed ee ciidamada, waxaa dib loo howl galiyay xarumaha tababarada, ayadoo la dhisay lanadayac-tiray xeryaha tababarada ee Abqaale, Xogable, 54aad, Baran iyo Boocame.
Waxaa hadda si habsami leh u socda tirokoobka, tayaynta iyo tababarada ciidamada si la soo helo cudud ciidan oo ku filan sugid amniga gudaha iyo xuduudaha.
  • Xuduudaha Puntland. Sida aad la wada socotaan, waxaa horumar la taaban karo laga
gaaray amniga iyo siyaasadda deegaanada Gobolada Sanaag iyo Haylaand ayadoo aan soo dhaweynay ciidamo, saraakiil iyo siyaasiin reer Puntland ah oo garowsaday ahmiyadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka dadkeena. Waxaa sidoo kale xukuumaddu leedahay mawaaqif siyaasi ah iyo kuwa amni oo lagu xaqiijinayo soo celinta deegaanada maqan. Waxaan fursadaan farriin uga dirayaa cid kasta oo rabta midnimada iyo wadajirka dadka reer Puntland inaan soo dhaweynayno anagoo siin doona doorka ay mudan yihiin.
  • Waxaa xusid gaar ah mudan inaan halkaan ka sheego, In Puntland ay wada dhisteen dadka, waxgaradka, isimida, cuqaasha iyo siyaasiinta u dhalatay gobolada Sool, Sanaaag, Mudug, Nugaal, Bari, Cayn, Haylaan, Karkaar Iyo Gardafuu. Sidaas darteed, waxaa waajib ku ah in ay wada ilaalshadaan midnimada iyo wada lahaanshaha Puntland.
  Horumarinta Dhaqaalaha iyo Dib u habaynta Maaliyada
  • Waxaanu dib u habayn mug leh ku sameynay nidaamka maamulka maaliyadda tasoo noo sahashay inaan si joogto ah u bixino Mushaaharooyinka shaqaalaha, ciidamada iyo
adeegyada howl fulineed ee Dowladda, iyadoo loo marayo hannanka casriga ah ee qarash bixinta. Dhammaan shaqaalaha rayidka ah waxaa mushaaaradooda loo marsiiyaa akoonxisaabeedkooda u gaarka ah. Waxaan sidoo kale dhawaan la soo gabagbayn doonaa hirgelinta hab xisaabeedka ciidamadda.
  • Waxaa dejinay miisaaniyada sanadka 2020, taasoo lagu saleeyey dakhliga la filayo iyo odoroska deeqaha caalamiga ah. Waxaa xusid mudan in habka miisaaniyada 2020 ay ka duwanayd qaababkii horay loogu diyaarin jiray, iyadoo dhammaan qoondooyinka deeqaha iyo mashaariicda horumarineed lagu daray miisaaniyada 2020. Waxaa sidoo kale lagu daray qoondo miisaaniyadeed oo ugaar ah horumarinta kaabayaasha dhaqalaaha, Amniga, Dhalinyarada, Haweenka iyo Adeegyada Aasaasiga ah, taasoo dhan 13%.
  • Waxaa dib u habayn iyo tayeyn lagu sameeyey nidaamka dakhli ururinta iyadoo xooga la saarey dar-dargelinta howlaha canshuuraha barriga, kastamada iyo abuurida illo dakhli oo cusub.
  • Si loo xaqiijiyo adeegyada garoomada diyaaradaha Bosaso iyo Garowe, waxay Dowladda isafgarad la gashay labo shirkadood oo caalami ah oo ballaarin ku samayn doona dhismaha labadaas Garoon.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in ay Puntland ka bilawdeen duulimaadyo calami ah, taas oo sahashay isu-socodka dadka ee gudaha iyo Dibadda, waxayna saamayn ku yeelatay kororka dhaqaaale. Waxaa sidoo kale la dhagax dhigay dhismaha cusub ee Garoonka Gaalkacyo.
  • Waxaa Sahan xog ururin ah lagu sameeyay wadooyinkii roobabku ay wax yeeleeyeen ee wadada Garowe – Bosaso iyo Garowe – Laascaanood, kuwaas oo aan mudo dheer dayactir lagu samayn. Si wadooyinkaas wax looga qabto waxaa shirkada CCECC lagula heshiiyey dayactirka wadooyinkaas. Waxaan ka helnay kaalmo dhaqaale oo dhan $2M Dowladda UAE, inkastoo dhaqalahaas aysan ku filnayn shaqada la qabanayo, dawladu waxay miisaaniyada ugu dartay qoondo maaliyadeed oo dheeri ah. Waxaana haatan la bilaabay wajiga koowaad ee dayactirka wadada Garoowe – Boosasso iyadoo ay xigi doonto wajiga labaad ee wadada Garoowe – Laascaanood .
  • Wadada Garowe-Gaalkacyo oo horey heshiiskii lagu dayactirayey u fashilmay, waxaa
dowladdu intii lagu guda jiray sanadka 2019 ay ku guulaysatay in dib loo soo nooleeyo laguna wareejiyo hay’ad cusub iyadoo Midowga Yurub iyo Bangiga Horumarinta Africa u qoondeeyeen dhaqaale kor u dhaafaya 20milyan oo dollar, waxaana la bixin doonaa qandaraaska dayactirka wadada bilowga sannadkan cusub ee 2020. Waxay dowladdu bixisay kharashkii dayactirka wadda-leexsinka ah oo 35km dhererkeedu dhan yahay oo ay hadda isticmaalaan gaadiidku inta u dhaxaysa Buurtinle iyo Xarfo si ay u fududaato adeegsigeedu.
  • Waxaa guul ku dhammaaday dhismaha 13.35km wadooyin laami ah oo qayb ka ah
horumarinta qaybo ka mid ah degmooyinka Puntland. Waxaa si gaar ah uga faa’iidaystay magaalooyinka Garowe, Qardho, Bosaso, Jariiban, Gaalkacyo, Galdogob iyo Burtinle.
  • Dhismaha Wajiga labaad ee Dekeda Garacad ayaa maraya meel wanaagsan ayadoo
128meter oo gudaha badda loo galay, taas oo ka dhigan in marka la gaaro 300meter gudaha badda, ay suurogalineyso in ay ku soo xiran karaan Doonyaha & Maraakiibta nooca dhexe. Mashruuca dhismaha dekeda Garacad ayaa muhiimad gaar ah u leh kobaca dhaqaalaha.
  • Waxaa la daahfuray 3dex mashruuc oo waawayn oo muhiim u ah hormarka kuwaas oo kala ah; (a) mashruuca horumarinta dhaqaalaha (ILED PROECT), (b) mashruuca horumarinta biyaha, deegaanka iyo beeraha (Biyoole project) iyo (c) mashruuca beeraha iyo deegaanka (IFAD project).
  • Dhanka maalgashiga, waxaa qabsoomay Shirkii Maalgashiga Puntland bishii September 2019, oo ay kasoo qaybgaleen 400 oo qof oo ka kala socday dowladdo, ganacsato, aqoonyahan, diplumaansiyiin iyo qaybaha kale ee bulshadda. Waxaa ka mid ahaa matalayaal ka socda ilaa 130 shirkadood oo isugu jira ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa calami ah. Dowladdu waxay sii wadi doontaa dadaalada lagu kordhinayo maalgashiga si looga faa’iidaysto kheyraadka badan ee aan leenahay.
  • Iyadoo aynu ognahay, in korontadu ay asaasi u tahay, horumarka dhaqaalaha, waxaa
dowladdu ka shaqaynaysaa in la helo adeeg koronto oo jaban kuna filnaan kara wadanka, Waxaana ku guulaysanay in aan ballanqaad ka helno Sanduuqa Maalgelinta Imaaraadka oo aan la galnay heeshiis Is-afgarad oo lagu hurumarinayo korontada Degmada Boosaaso oo halbowle u ah ganacsiga guud ahaan Puntland. Waxaana dhawaan filaynaa inay noo yimaadan ganacsato kale oo danaynaya maalgashiga korontada Puntland. Waxayna dhiiri galin doontaa wax soosaarka iyo warshadaha muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha.
  • Iyadoo ay Dowladda Puntland xoogga saarayso suuq-gaynta xoolaha oo lafdhabar u ah dhaqaalaheena, waxaa dekadda Bossaso ka dhoofay xoolo ka badan 1.5M oo isugu jira Ari, Geel iyo Lo’. Waxaan dadaal badan galinay sidii aan suuqyo cusub ugu heli lahayn xoolada Puntland. Waxaan Heshiis la galnay dawladda Emeraat-ka carabta, hishiiskaas oo suurgaliyey in xoolaha Puntland loo suuqgeeyo dalka Imaaraadka.
  • Si kor loogu qaado ka faaiidaysiga Kalluunka, waxan martigelinay Madasha
Kalluumeysiga Soomaaliyeed (Somali Fisheries Forum) taas oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 350 qof oo ka kala yimi Kenya, Italy, Germany, Norway, U.S, U.K, iyo Denmark. Waxaa ka soo baxay in la iska kaashado raadinta Suuqyo caalami ah, sidii maalgashi loogu heli lahaa kalluunka & kheyraadka badeena.   Horumarinta Siyaasada iyo Maamul-wanaaga
  • Waxaa la dardar-geliyey baahinta maamulka ayadoo la dhisay golayaasha deegaanka ee 8 degmo, sarena loo qaaday ka qayb-galka haweenka ee qaybaha kale ee Bulshada.
  • Waxaa bilihii ugu horeeyey ee Xukuumada la bilaabay barnaamijka dimuqraadiyeynta
Puntland, iyadoo lana dhisay guddiga doorashooyinka Madaxa bannaan. Guddiga doorashooyinku waxay daahfureen qorshaha hirgelinta barnaamijka doorashooyinka kaas oo si rasmi ah u furan tahay isdiiwaan gelinta ururada siyaasadeed. Waxaa xusid mudan in Dowladda u qoondeysay miisaaniyad ka badan qoondadii hore. Xukuumada waxay furaneysaa urur siyaasadeed, waxaana lagu guda jiraa diyaarinta howlaha dhismaha ururka. Waxaan soo dhaweyneynaa cid kasta oo daneynaysa ka mid noqoshaha ururka.   Dib u habaynta Shaqaalaha
  • Waxaa lagu guulaystay in shaqaalaha Dowladda Puntland si rasmi ah loo diiwaan geliyey, iyadoo la ogaaday tirada sida rasmiga ah u shaqaysa, inta dhimatay iyo inta hawl-gabka ah.
Waxaa kaarka aqoonsiga shaqaalahana rayidka ahna la siiyey 4,132 shaqaale. Waxaa sidoo kale dhinac socda barnaamij lagu habaynayo derejada iyo heerka mushaarka shaqaalaha (Pay and Grading), kaas oo la waafajin doono xaalada dhaqaale iyo heerka   nolosha, si shaqaaluhu u helaan xuquuq ku filan isla markaana waajibaadyadooda lagula xisaabtami karo. Waxaan ku guulaysanay inaan meelmarino xeerka hawl-gabka kaas oo ay labada goleba ansixiyeen.
  • Waxaa xusid mudan in lagu guulaystay dadaal waqti dheer la galiyey ka dib in dib loo furay machadka tababarka shaqaalaha Dowladda. Dib u furida machadkaan waxaa uu muhiimad gaar ah u leeyahay tayeynta iyo sare u qaadida aqoonta iyo xirfada shaqaalaha Dowladda.
Inta lagu guda jiray sanadkan 2019, waxaa fursado tababaro helay shaqaale ka mid ah qaybaha kala duwan ee Hay’addaha Dowladda.
  • Si loo xaqiijiyo tayada garoomada kubadda cagta loona casriyeeyo, waxaa dayactirkooda iyo casriyeen lagu wadaa garoomada kubadda cagta ee Garowe, Galkacyo iyo Bosaso.
  • Inagoo ka duulayna siyaasadda xukuumada ee ku aadan horumarinta arimaha dhalinyarada, waxay xukuumadu dadaal ugu jirtaa sameynta sanduuqa horumarinta dhalinyarada kaas oo siyaasadiisa iyo xeerarkii lagu maamuli lahaa hada gacanta lagu hayo.
Tani waxay qayb ka tahay dadaal shaqo abuur oo lagu garab galayo dhalinta reer Puntland. Waxaa xirfado kala duwan lagu tababaray dhalinyaro gaaraysa 1,700 oo dhammaan gobolada Puntland ah, kuwaas oo qayb ka mid ah lagu taakuleeyey dhaqaale ay ku abuurtaan ganacsiyo yar yar.   Tayeynta Adeegyada Bulshada
  • Waxaa deeq waxbarasho oo heer Jamaacadeed ah la siiyey arday gaaraysa 461, halka ay
deeq waxbarashada asaasiga ah loogu deeqay 6,852 arday oo kasoo jeeda qoysas danyar ah. Iyadoo Dowladda garowsan tahay baahida loo qabo tayeynta waxbarashada heerarkeeda kale duwan, waxaan xooga saari doonaa inaan dib u eegis ku sameyno nidaamka waxbarashada wadanka si aynu u helno hannaan waxbarasho oo soo saari kara aqoonta iyo xirfadaha aynu u baahan nahay.
  • Dowladdu waxay xooga saartay sidii loo wada heli lahaa adeega caafimaadka aasaasiga ah, iyadoo xarumo cusub dhistay, tayeysayna qaybo ka mid ah xarumihii jiray.
Waxaan ognahay baahida daryeelka caafimaad oo ay dadkeenu qabaan, loona aado dalalka dibeda, waxaan xooga saari doonaa in la tayeeyo adeegyada caafimaad ee Cusbitaalada heer gobol iyo mid degmo si loo daboolo adeegyada caafimaad ee dibeda loo aado. Dowladdu waxay ku guulaysatay in shacabka loo fududeeyo helida Visa Caafimaadka ee Dalka India, kaas oo markii labaad ay qunsuliyadu India ay Garowe imandoonto 19 Janaayo 2020, si ay dadka ugu fududayso VISA caafimaadka.
  • Iyadoo aynu ogyahay heerka wax soo saarka beeraha inuuu aad u hooseeyo, inta badana aynu ku tiirsan nahay cunada lasoo dhoofiyo, waxay dowladdu qaaday talaabooyin lagu dhiirigelinayo wax soo saarka guddaha iyadoo dhamaystirtay xarunta kaydinta abuurka ee Puntland.
Kaydka Abuurka Beeraha Puntland ayaa ah dadaal wayn oo loogu talagalay in lagu hubiyo laguna ilaaliyo Abuurka beeralayda Puntland si ay Beerlaydu u helaan abuur ka bed qaba xanuuno isla markaana aanan u nuglayn cimilada.
  • Si loo daboolo baahida biyood ee deeganada Puntland, xukuumadaydu waxaa mudnaan u ah raadinta iyo suurogelinta ceel-biyoodyo ku filan dhammaan deegaanada Puntland.
Himilooyinkaan maahan kuwa mudo dhow la taabagelin karo, hase ahaatee, waxaa inta ay xukuumadaydu jirtay aanu hirgelinay 10 ceel-biyood, waxaana mudada dhaw noo qorshaysan 20 ceel-biyood oo kale.   Arrimaha Federalka Somalia waxay qaadatay nidaamka Federal ka ah, waxaana asal u ah dastuurka qabyada ah, waxaana qorshuhu ahaa in la dhamaystiro ilaa 2012, waxaana muuqata in uu noqday mashruuc aan dhamanayn, Puntland waxay cadaynaysaa
  • In aysan ku qanacsanayn nidaam ka dib u-eegista dastuurka oo ay ahayd in uu ku
salaysnaado wadatashi iyo wada xaajood yisaasadeed oo loo dhanyahay,
  • Aan fursad la siin Dawladaha Xubinta ka ah dawladda federalka ah in ay ka wada
hadlaan qodobad masiiriga ah ee u baahnaa in siyaasad ahaan looga heshiiyo.
  • Aan laga qaybgalin Ergadii matalaysay Dawladaha xubnaha ah ee qaybta ka noqon
lahayd guddiga madax banan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka,
  • In dawladda federalka ah, iyadoo aan laga heshiis qodobada sida nidaamka doorashada, khayraad qaybsiga, la meel mariyey sharciyo aan ku salaysnay mabaadiida Federaliga
  1. Puntland waxay cadaynaysaa in aysan qayb ka ahayn sharci aan lagala tashan, isla
mar ahaantaasna saamaynaya masiirka dadka reer Puntland.
  • Puntland waxay xalka u aragtaa wada hadal, in madaxda Dawlada federalka ah iyo
dowladaha xunbinaha ka ah ay wada hadal dhab ah ka yeeshaan arimaha masiiriga ah ee taagan.
  • Soomaliya waa kasoo daashay isjiid -jiid siyaasadeed oo aan miro dhalin, Puntland
waxay markasta cadaynaysay in wada tashiyadu ay noqdaan kuwo wax kasoo baxaan lakin aysan noqon fursad sawir lagu wadagalo.
  • Puntland waxaay diyaar u tahay in aan marti galino, shir wadatashi ah oo madaxda
labada heer kaga wada tashadaan arimaha muhiimka u ah dowlad dhiska Soomaliya, gaar ahaan, doorashada qorshaysan 2020, dhamaystirka dastuurka, qaybsiga khayraadka iyo deeqaha calamiga ah. Gunaanadkii Mudanayaal iyo Murwooyin,
  • Puntland waxa wajahaysaa caqabado soo jireen ah oo ay ugu horayso la dagaalanka
argagixisada ku dhuumaalaysta buuraha galgala iyo cal bari, isu dheeli tirnaanta dhakhliga iyo kharash dowlada si ay u gudato waajibaad keeda dastuuriga ah, shaqa la’aanta dhalinyarada oo ah 70% dadka reer Puntland. Waxaan ka shaqayndoona in wax badan ka hirgalaan dhamaystirka dib u habaynada aan bilownay, yoolashii iyo balanqaadyadii aan hore u sameyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *