Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland.
Garoowe: 21 January,2020 : Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland.
Shirkan oo ah mid sanadle ah oo hal kudhigiisuna sanadkan yahay (Baahinta Waxbarasho Tayeysan oo loo Dhanyahay), waxaa Puntland kala qeybgalay masuuliyiinta Waxbarashada ee Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Galmudug.