Garoowe: 18 October 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Garoowe, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.