Madaxweyne Kuxigeenka Puntland
Guddoomiyaha Baarlamaanka
Xubnaha Golaha Xukumadda
Guddoomiye Kuxigeenada Baarlamanka
Xubnaha Golaha Baarlmaanka
Xubnaha Golayaasha kale ee Dawladda
Siyaasiyiinta iyo waxgaradka,
Isimadda, cuqaasha iyo culimada
Haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha bulshada rayidka ah
Mudanayaal iyo Murwooyin
Waxaan idin ku salaamayaa salaanta islaamka Assalamu Calaykum Waraxmatullaahi
Wabarakaatuh.
Manta oo kale sanadkii hore, Waxaa aniga iyo Madaxweyne ku xigeenka naloo dortay in aan hogaamino dalka iyo dadka Puntland, Waxaana soo dhisnay xukuumad, aan ku xulanay in ay kasoo bixi karaan shaqadooda. Insha allah Khudbadayda ka dib waxaa caawa fursad u heli doontaan in aad waydiisaan su’aalo la xiriirta shaqada ay shacabka u hayaan Wasiiradda.
Mudanayaal iyo Murwooyin
Bilowgiiba xukuumadda cusub waxay dajisatay barnaamij siyaasadeed oo waafaqsan xaaladda dhaqan dhaqaale, iyo tan amni ee ka jirta Puntland taasoo gundhig looga dhigay 8dii yool iyo 66dii hawl shaqeed ee xukuumadda lagu doortay, ayadoo lagu falanqeeyey Shirkii Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda ee bishii Maarso 2019, Shirkaas waxaa lagu diyaariyey qorshe sanadeed leh halbeegyo iyo ujeedooyin cayiman. Mudadii Sanadka ahayd ee Xukuumadu jirtay wax badan ayaa noo qabsoomay, oo ay kamid yihiin Sugidda Amniga, horumarinta dhaqaalaha, dib u habaynta maamulka iyo maaraynta Maaliyada, tayaynta shaqalaha iyo Ciidanka, dhiirigalinta maalgashiga, horumarinta kaabayaasha iyo adeegyada bulshada.
Waxaana caawa halkaan idin kula wadaagayaa wax qabadkii xukuumadda oo kooban:
Sugidda Amniga

- Muddadii yarayd ee xukuumaddu jirtay waxay ahmiyad weyn siisay dib u dhiska ciidanka kasoo muhiim u ah sugidda amni la isku halayn karo, Waxaa la bilaabay dib u habaynta ciidamada daraawiishta, booliiska iyo nabad-sugiida ayadoo la dhisay goleyaal iyo guddiyo khibrad u leh arrimaha ciidanka. Si kor loogu qaado tayada howl fulineed ee ciidamada, waxaa dib loo howl galiyay xarumaha tababarada, ayadoo la dhisay lanadayac-tiray xeryaha tababarada ee Abqaale, Xogable, 54aad, Baran iyo Boocame.
- Xuduudaha Puntland. Sida aad la wada socotaan, waxaa horumar la taaban karo laga
- Waxaa xusid gaar ah mudan inaan halkaan ka sheego, In Puntland ay wada dhisteen dadka, waxgaradka, isimida, cuqaasha iyo siyaasiinta u dhalatay gobolada Sool, Sanaaag, Mudug, Nugaal, Bari, Cayn, Haylaan, Karkaar Iyo Gardafuu. Sidaas darteed, waxaa waajib ku ah in ay wada ilaalshadaan midnimada iyo wada lahaanshaha Puntland.
- Waxaanu dib u habayn mug leh ku sameynay nidaamka maamulka maaliyadda tasoo noo sahashay inaan si joogto ah u bixino Mushaaharooyinka shaqaalaha, ciidamada iyo
- Waxaa dejinay miisaaniyada sanadka 2020, taasoo lagu saleeyey dakhliga la filayo iyo odoroska deeqaha caalamiga ah. Waxaa xusid mudan in habka miisaaniyada 2020 ay ka duwanayd qaababkii horay loogu diyaarin jiray, iyadoo dhammaan qoondooyinka deeqaha iyo mashaariicda horumarineed lagu daray miisaaniyada 2020. Waxaa sidoo kale lagu daray qoondo miisaaniyadeed oo ugaar ah horumarinta kaabayaasha dhaqalaaha, Amniga, Dhalinyarada, Haweenka iyo Adeegyada Aasaasiga ah, taasoo dhan 13%.
- Waxaa dib u habayn iyo tayeyn lagu sameeyey nidaamka dakhli ururinta iyadoo xooga la saarey dar-dargelinta howlaha canshuuraha barriga, kastamada iyo abuurida illo dakhli oo cusub.
- Si loo xaqiijiyo adeegyada garoomada diyaaradaha Bosaso iyo Garowe, waxay Dowladda isafgarad la gashay labo shirkadood oo caalami ah oo ballaarin ku samayn doona dhismaha labadaas Garoon.
- Waxaa Sahan xog ururin ah lagu sameeyay wadooyinkii roobabku ay wax yeeleeyeen ee wadada Garowe – Bosaso iyo Garowe – Laascaanood, kuwaas oo aan mudo dheer dayactir lagu samayn. Si wadooyinkaas wax looga qabto waxaa shirkada CCECC lagula heshiiyey dayactirka wadooyinkaas. Waxaan ka helnay kaalmo dhaqaale oo dhan $2M Dowladda UAE, inkastoo dhaqalahaas aysan ku filnayn shaqada la qabanayo, dawladu waxay miisaaniyada ugu dartay qoondo maaliyadeed oo dheeri ah. Waxaana haatan la bilaabay wajiga koowaad ee dayactirka wadada Garoowe – Boosasso iyadoo ay xigi doonto wajiga labaad ee wadada Garoowe – Laascaanood .
- Wadada Garowe-Gaalkacyo oo horey heshiiskii lagu dayactirayey u fashilmay, waxaa
- Waxaa guul ku dhammaaday dhismaha 13.35km wadooyin laami ah oo qayb ka ah
- Dhismaha Wajiga labaad ee Dekeda Garacad ayaa maraya meel wanaagsan ayadoo
- Waxaa la daahfuray 3dex mashruuc oo waawayn oo muhiim u ah hormarka kuwaas oo kala ah; (a) mashruuca horumarinta dhaqaalaha (ILED PROECT), (b) mashruuca horumarinta biyaha, deegaanka iyo beeraha (Biyoole project) iyo (c) mashruuca beeraha iyo deegaanka (IFAD project).
- Dhanka maalgashiga, waxaa qabsoomay Shirkii Maalgashiga Puntland bishii September 2019, oo ay kasoo qaybgaleen 400 oo qof oo ka kala socday dowladdo, ganacsato, aqoonyahan, diplumaansiyiin iyo qaybaha kale ee bulshadda. Waxaa ka mid ahaa matalayaal ka socda ilaa 130 shirkadood oo isugu jira ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa calami ah. Dowladdu waxay sii wadi doontaa dadaalada lagu kordhinayo maalgashiga si looga faa’iidaysto kheyraadka badan ee aan leenahay.
- Iyadoo aynu ognahay, in korontadu ay asaasi u tahay, horumarka dhaqaalaha, waxaa
- Iyadoo ay Dowladda Puntland xoogga saarayso suuq-gaynta xoolaha oo lafdhabar u ah dhaqaalaheena, waxaa dekadda Bossaso ka dhoofay xoolo ka badan 1.5M oo isugu jira Ari, Geel iyo Lo’. Waxaan dadaal badan galinay sidii aan suuqyo cusub ugu heli lahayn xoolada Puntland. Waxaan Heshiis la galnay dawladda Emeraat-ka carabta, hishiiskaas oo suurgaliyey in xoolaha Puntland loo suuqgeeyo dalka Imaaraadka.
- Si kor loogu qaado ka faaiidaysiga Kalluunka, waxan martigelinay Madasha
- Waxaa la dardar-geliyey baahinta maamulka ayadoo la dhisay golayaasha deegaanka ee 8 degmo, sarena loo qaaday ka qayb-galka haweenka ee qaybaha kale ee Bulshada.
- Waxaa bilihii ugu horeeyey ee Xukuumada la bilaabay barnaamijka dimuqraadiyeynta
- Waxaa lagu guulaystay in shaqaalaha Dowladda Puntland si rasmi ah loo diiwaan geliyey, iyadoo la ogaaday tirada sida rasmiga ah u shaqaysa, inta dhimatay iyo inta hawl-gabka ah.
- Waxaa xusid mudan in lagu guulaystay dadaal waqti dheer la galiyey ka dib in dib loo furay machadka tababarka shaqaalaha Dowladda. Dib u furida machadkaan waxaa uu muhiimad gaar ah u leeyahay tayeynta iyo sare u qaadida aqoonta iyo xirfada shaqaalaha Dowladda.
- Si loo xaqiijiyo tayada garoomada kubadda cagta loona casriyeeyo, waxaa dayactirkooda iyo casriyeen lagu wadaa garoomada kubadda cagta ee Garowe, Galkacyo iyo Bosaso.
- Inagoo ka duulayna siyaasadda xukuumada ee ku aadan horumarinta arimaha dhalinyarada, waxay xukuumadu dadaal ugu jirtaa sameynta sanduuqa horumarinta dhalinyarada kaas oo siyaasadiisa iyo xeerarkii lagu maamuli lahaa hada gacanta lagu hayo.
- Waxaa deeq waxbarasho oo heer Jamaacadeed ah la siiyey arday gaaraysa 461, halka ay
- Dowladdu waxay xooga saartay sidii loo wada heli lahaa adeega caafimaadka aasaasiga ah, iyadoo xarumo cusub dhistay, tayeysayna qaybo ka mid ah xarumihii jiray.
- Iyadoo aynu ogyahay heerka wax soo saarka beeraha inuuu aad u hooseeyo, inta badana aynu ku tiirsan nahay cunada lasoo dhoofiyo, waxay dowladdu qaaday talaabooyin lagu dhiirigelinayo wax soo saarka guddaha iyadoo dhamaystirtay xarunta kaydinta abuurka ee Puntland.
- Si loo daboolo baahida biyood ee deeganada Puntland, xukuumadaydu waxaa mudnaan u ah raadinta iyo suurogelinta ceel-biyoodyo ku filan dhammaan deegaanada Puntland.
- In aysan ku qanacsanayn nidaam ka dib u-eegista dastuurka oo ay ahayd in uu ku
- Aan fursad la siin Dawladaha Xubinta ka ah dawladda federalka ah in ay ka wada
- Aan laga qaybgalin Ergadii matalaysay Dawladaha xubnaha ah ee qaybta ka noqon
- In dawladda federalka ah, iyadoo aan laga heshiis qodobada sida nidaamka doorashada, khayraad qaybsiga, la meel mariyey sharciyo aan ku salaysnay mabaadiida Federaliga
- Puntland waxay cadaynaysaa in aysan qayb ka ahayn sharci aan lagala tashan, isla
- Puntland waxay xalka u aragtaa wada hadal, in madaxda Dawlada federalka ah iyo
- Soomaliya waa kasoo daashay isjiid -jiid siyaasadeed oo aan miro dhalin, Puntland
- Puntland waxaay diyaar u tahay in aan marti galino, shir wadatashi ah oo madaxda
- Puntland waxa wajahaysaa caqabado soo jireen ah oo ay ugu horayso la dagaalanka
